QISO CAJIIB AH.
(Fadlan haka Caajisin ee Aqriso waa Qiso Cajiib ah).

GABADHU MAXEY WIILKA KU DIIDAY?
Ashraf isagoo 10jir ah ayaa la geeyey Dalka Mareykanka, Ashraf Aabihii wuxuu isaguna Wadanka Maraykanka soo galay Sanadkii 1985kii, wuxuuna muddo dheer ku Sharci La’aa Maraykanka ka hor inta aanu Sharciga helin, Ashraf Aabihii wuxuu Gaari Gacan Cuntada Deg-dega ah lagu Gado ku haystay Magaalada New York, Dhaqaale fiican ayaa kasoo gala, Dadaal dheer uu galay ka dib wuxuu Maraykanka keenay Ashraf iyo Gabar ay Walaalo yihiin iyo Hooyadood.


Dugsiga ayaa markiiba lagu daray, Aabihiina wuxuu ahaa Nin aad u Mashquul badan oo Shaqada Goor daneb ka yimaada, Hooyaduna ma aysan aheyn Qof Aqoon, Aqiinta Diiniga iyo Midda Maadiga ah Labadaba oo wey ku yarayd Ashraf inuu helo waxbarasho diiniya ama laga Dhiso dhinaca Caqiidada si ay ugu noqoto Gaashaan Dhibaatooyinka dhinaca Diinta iyo Dhaqanka ee ka hor imaanaaya .

Ashraf wuu weynaadey wuxuuna galay Jamaacadda, waxayna jaamacadda isku barteen gabar lagu magacaabo Maria, waxayna isula Jaan qaadeen sidii Laba Dhalinyaro ah oo Maraykanka ku nool, waxay muddo wada socdaanba, waxay isku Afgarteen in ay is Guursadaan, waxaana Dhex maray jacayl ay Go’aansadeen inay Guur ugu Abaal gudaan.

Ashraf wuxuu Arrintii u soo Bandhigay Qoyskooda, wuxuuna u sheegay Hooyadii iyo Aabihii, isagoo ka Codsaday in lagu Taageero inay is Guursadaan Gabdha ay is Jecel yihiin.

Ashraf Hooyadii wey Ogoleed Guurka Wiilkeeda, hasa yeeshee waxaa markiiba ka Horyimi oo Diiday Aabihii oo u sheegay in aanu marna Raali ka ahayn inuu Guursado Gabar ay kala Diin yihiin oo Kiristaan ah, wuxuuna u sheegay in Caruurto Khatar galayso, Diinteena iyo Dhaqankeenuna aanu Ogolaaneynin, wuxuuna Ashraf ku yiri: Markaad jaamacadda Dhamaysid Gabar Muslim ah Guurso, Haddaba Odayga meel Adag ayuuna iska taagay Guurka Ashraf iyo Maria.

Ashraf wuxuu arrintii u sheegay Maria in Culays weyn Dhinaca Aabihii kaga yimi, wuxuuna u Sheegay in aanu doonayn in uu Aabihii ka hor yimaado oo Diido wuxuu kula Taliyey Xilligan, waxayna ku Heshiiyeen in Qorshaha Guurka ay Dib u dhigaan.

Muddo markii la joogay, oo ay Arrintii Rog-rogeen waxaa u soo Baxday si ay Jacaylkooda u Badbaadiyaan in Maria Diinta Islaamka qaadato oo ay Muslinto, si Arrintii ahayd Gabar Muslin maaha meesha uga baxdo, Guurkoodiina u Hirgalo.
Ashraf wuxuu Maria u keenay Kutub Luqada Af Ingiriiska ku Qoran oo Diinta Islaamka Sharaxeysa, waxay Maria Codsatay Afar bilood in ay Buugaagtan ku soo Akhrisato, kana soo Fakarto Afar Bilood ka dibna ay Go’aanka siin doonto Ashraf.

Maria Kutubtii Ashraf u keenay iyo Baaritaan kale oo ay Sameysayba markii Sfartii Bilood Dhamaatay ayaa waxa ay Ashraf u sheegtay in ay Go’aansatay inay Diinta Islaamka qaadato, oo ay Muslimad noqoto, Ashrafna wuu ku Farxay, wuxuuna markiiba ku Bishaaraystay in Isaga iyo Maria noqon doonaan Lamaane isna Guursan doonaan, Aabihiina ka Raali noqon doono. Hasa yeeshee Maria ayuu kala Kulmay jawaab aanu ka Fileyn, ka dib markey tiri:- Ashraf waa Run oo waxaan Go’aansaday inaan Diinta Islaamka qaato oo aan Muslimad noqdo, laakiin waxa kale oo aan Go’aansaday in aadan Adigu noqon Ninka Nolosha ila Wadaagi doono, waxayna u Sheegtay in aanay Guursanayn Ashraf.

Ashraf waxay ku noqotay Gantaal lala Dhacay Wadnahiisa, isaga oo Fajacsan ayuu ku yiri:- Maria oo maxay tahay sababta aynaan isku Guursaneynin?.

Maria waxay ku tiri Ashraf:- sida ay Kutubtu Sharaxayso, Islaamkana aan ka Akhriyey wax Xiriir ah oo aad leedihiin Islaamka maan Arag, waayo Diinta waxey Fareysaa in Salaadda la Tukado, adiguna ma Tukatid, waxey kaloo Fareysaa in Dadka Wanaagga la Faro, Xumahana la Reebo, adigana Baddasba kuma jirin, Aniga iyo Adiguna wax aan ku kala Duwaneyn ma jirin, wax kasta oo Diinta Islaamku Xaaraantimeysay oo la Faray Dadku in ay ka Fogaadaan waad Samayn jirtay, sidaasi daraadeed waxaan Doonayaa Maadama aan Muslin ahay in aan Guursado Wiil Muslim ah oo Diinta aan Arkay ku Dhaqma, waxayna u sheegtay in aanay isaga Nolosha la Wadaagi doonin, isna Guursaneynin.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW WADDADA XAQ NA WAAFAJI).

Fadlan ha hilmaamina in aad shere dhdan

Post a Comment

 
Top